U gudub nuxurka bogga
SABAAD

caado

Magac Dheddig
Naxwe-ooyin, m.l
Xaraf CSubg CA5 xar
1

Fal bulsho joogteysato kuna dhaqanto.

2

Fal qof si joogta ah ugu dhaqmo.

3

Dhiig ka yimaada haweenka bishiiba hal mar; dhibaad; xiso; xayl. caado-immaansho m.dh (c.baay.) Xilliga caadadu ka timaaddo qofka dumarka ah, oo baaluqday oo aan uur lahayn sida caadiga ahna bishiiba waa mar inta ay wax iskabeddeleyaan. caado-raacnimo m.dh Ixtiraam weyn ee caadada ku saabsan.

Tusaale Dheeraad ah3

“

"Dagaal walba oo dhaca waxaa ku dhinta dad badan, intooda badana waxay ku dhintaan madaafiicda la isdhaafsanayo, waxaana mas'uuliyadooda leh Al-shabaab oo caado inay madaafiicda soo tuuraan iyagoo isku aadinaya shacabka" ayuu yiri Maj.

”
“

Waxaana xusid mudan in quraanku uusan sheegin in jamcadu tahay maalin fasax iyo nasasho, sidaas oo ay tahayse, muslimiintu waxay caado ka dhigteen in jamcadu tahay maalin nasasho.

”
“

Qarannimadu halis bay ku jirtaa, haddii ninka u bokhrani caado ka dhigto, anafo iyo aar-goosi, ama cudurka uu yeesho ee qaado lagu yidhaahdo, uu kal didsan ku qaato, oo uu arrin kasta laalo, si mar walba, loo sii kala-fogaado.

”

Falanqaynta Naxwaha

Qaybta Hadalka

Magac Dheddig (m.dh)

Isrogrog

-ooyin, m.l

Xarafka

C · CA

La Wadaag

Sawirka La Wadaagga

Soo koobid ereyga, macnihiisa, iyo tusaalaha

Fur daaqad cusub
caado - sawirka la wadaagga

La Wadaag

Waxaan isticmaalnaa falanqayn si aan SABAAD uga dhigno mid degdeg ah, la isku halleyn karo, oo si joogto ah u soo hagaageysa. Tani waxay naga caawineysaa inaan bixino waxbarasho tayo leh iyo khibrad barasho oo wanaagsan. Ma uruurino macluumaad shakhsiyeed. Akhri wax badan