U gudub nuxurka bogga
SABAAD

il

Magac Dheddig
Naxwe-lo, m.l
Xaraf ISubg IL2 xar1 Tusaale
1

(indho, m.l) Xubinta aragga.

2

Meel biyo ka soo burqadaan.

3

Siriq.

4

Kartida ishu cid wax ku yeeli karto (senen); dhabato.

5

Dabool iniinaha badarka kor kaga dhegsan.

6

Dhul bannaan oo kaymo hareeraha ka xigaan. il aragtay m.l (c.cimi.) Fogaanta ugu dheer ee walax kaga arki karto "isha qaawan" ee fiirsade, oo lagu sheego mitirro (waarar) ama kiloomitirro (maylal). ilaa h I. ama i. iyo inta: jeer laga gaaro; laga bilaabo; tan iyo. . Ilaah Ilaah m.l (dii.) Sarreeyaha awoodda leh oo wax kasta abuura oo weligiis jiray, jirina doona; Rabbi; Eebbe; Alle.

Tusaalooyin

“

I. (ama i. iyo intaa) aan soo noqonayo halkaan joog

”

Tusaale Dheeraad ah3

“

Il-Wareedyadu waxaa kale oo ay sheegeen in Taliyaasha labedelayo ay ka mid yihiin Gen.

”
“

Il-laawe iyo lug-laawe kol ay ku tahay, Bartire wixii akabaabiga ka dhawaa ayaa isu yimid.

”
“

Il caddaad, haddii ishu si muuqata u caddaato ma uu galayo neefkaasi udxiyo, haddii uu il la’yahay oo aanu waxba arkayn way ka sii daran tahay.

”

Falanqaynta Naxwaha

Qaybta Hadalka

Magac Dheddig (m.dh)

Isrogrog

-lo, m.l

Xarafka

I · IL

La Wadaag

Sawirka La Wadaagga

Soo koobid ereyga, macnihiisa, iyo tusaalaha

Fur daaqad cusub
il - sawirka la wadaagga

La Wadaag

Waxaan isticmaalnaa falanqayn si aan SABAAD uga dhigno mid degdeg ah, la isku halleyn karo, oo si joogto ah u soo hagaageysa. Tani waxay naga caawineysaa inaan bixino waxbarasho tayo leh iyo khibrad barasho oo wanaagsan. Ma uruurino macluumaad shakhsiyeed. Akhri wax badan