U gudub nuxurka bogga
SABAAD

suuf

Magac Lab
Xaraf SSubg SU4 xar
1

Geedgaab ka mid ah dalagga lagu beero dhulalka kulul oo ubax cad iyo miro kulkulucsan oo marka ay bislaadaan dillaaca leh oo uu ka soo baxo walax cad oo dharka laga sameeyo.

2

Duf cad oo geedka suufku dhalo oo dharka laga sameeyo.

3

Dhogorta idaha iwm oo dharka iyo gogosha qaarkeed laga sameeyo.

Tusaale Dheeraad ah2

“

Maalintii kale markii la gaaray ayaa waxaan aaday Kacbada si aan u soo dhawaafo, isla markaasna aan u barakeysto asanaamta halkaas tiil anigoo labadeyda dhagood soo gashaday suuf si aanan u maqlin hadalka Nebi Muxammad (scw).

”
“

Mar la dareemay in qaarkood aanay la socon cimilada dalkaas oo shaadhadh khafiif ah kaga soo degeen diyaaradda iyo jiilaalka lagu jiro, ayaa inta la kaxeeyay dhar suuf ah oo culus loo soo xidhay iyadoo arradka hayay iyo caatada u wehelisay laga naxay.

”

Falanqaynta Naxwaha

Qaybta Hadalka

Magac Lab (m.l)

Xarafka

S · SU

La Wadaag

Sawirka La Wadaagga

Soo koobid ereyga, macnihiisa, iyo tusaalaha

Fur daaqad cusub
suuf - sawirka la wadaagga

La Wadaag

Sida aan u hagaajino SABAAD