U gudub nuxurka bogga
SABAAD

kaarboon

Magac Lab
Naxwekiim.Kimisteri
Xaraf KSubg KA8 xar
1

Curiyaha koowaad ururka IV ee tusaha kalgalka curiyeyaasha. Kaarboonku xubin caan ah ayuu kaga jiraa maatarka nool. Sidaa awgled, iskudhisyo kaarboon ah; sida kaarbooneytyada iyo shidaalada foosil (dhuxul-dhagax, saliid iyo neef) iyo shidaallada ayaa laga dheegaa walxaha ku aroora noole. kaarboon hal-ogsaydh m.l (kiim.) Neef sun ah, olosha, midablaawe ah oo samaysanta marka kaarboonka lagu gubo meel ogsijiintu ku yar tahay (gubasho dhiman). Warshad ahaan, waxa lagu diyaariyaa ogsidhaynta kaarboon ama neefta dabiiciga ah, ama falgalka lagu magacaabo biyo-neefeed. Waa neef ah yareeye laxaad badan laguna isticmaalo cilmi-bireedka. kaarboon laba-ogsaydh m.l (kiim.) Neef aan ololin, midablaawe ah; urna aan lahayn oo samaysanta marka kaarboonka lagu gubo meel ogsijiintu ku badantahay. Neefqaadashaduna way soo saartaa neeftaasi. Kaarboon laba-ogsaydhka ku jira atmosfeerku waa 0.03 % mug ahaan, dhirtuna waxay u rogtaa kaarboohaydareytyo marka footoosintasisku dhacayo.

Tusaale Dheeraad ah3

“

Sidoo kale, marka la samaynayo dhuxusha qiiq badan ayaa oo ka kooban kaarboon-labo-ogsaydh iyo kimikooyin sun ah ayaa hawada gala taas oo keenaysa Wasakhowga Hawada.

”
“

Sidoo kale, aqalkacagaaran (greenhouse) oo ka samaysan uumi biyo, kaarboon-labo-ogsaydh, miithayn (methane) iyo ozoneka oo masuul ka ah dheelitirka heerkulka dunida ayaa ka mid ah faa'iidooyinka cirku u leeyahay dhulka.

”
“

Wakhti yar gudaheed, waxaa kor u kici heerkulka oogada sare ee dhulka, sidoo kale isku-wareega Kaarboon Ogsaydh CO 2 oo muhiim u ah nolosha dhirta ayaa jaha wareeri iskuna bedeli Kaarbon afar (C4) oo sun ah.

”

Falanqaynta Naxwaha

Qaybta Hadalka

Magac Lab (m.l)

Isrogrog

kiim.

Cilmiga

Kimisteri (kiim.)

Xarafka

K · KA

La Wadaag

Sawirka La Wadaagga

Soo koobid ereyga, macnihiisa, iyo tusaalaha

Fur daaqad cusub
kaarboon - sawirka la wadaagga

La Wadaag

Waxaan isticmaalnaa falanqayn si aan SABAAD uga dhigno mid degdeg ah, la isku halleyn karo, oo si joogto ah u soo hagaageysa. Tani waxay naga caawineysaa inaan bixino waxbarasho tayo leh iyo khibrad barasho oo wanaagsan. Ma uruurino macluumaad shakhsiyeed. Akhri wax badan