U gudub nuxurka bogga
SABAAD

gidaar

Magac Lab
Naxwe-rro, m.dhBaayoloji
Xaraf GSubg GI6 xar
1

Dhisme ballac leh, dhagax, shamiinto, iwm ka samaysan, oo wax celiya, ama waxyaabo lagu kala qoqobo; derbi. gidaar-unug m.l Lakab sare oo adag oo ku wareegsan xuubka unugga ee dhirta iyo bakteeriyada laakiin unugga xayawaanku ma leh. Gidaarka unuggu waxa uu ilaaliyaa qaabna u yeelaa unugga dhirta maacila'da ama wuxuu siiyaa taageero makaanikeed.

Tusaale Dheeraad ah3

“

Waxa horyaalla gidaar weyn oo nusqaan, xaqiraad, bahdil, quudhsi iyo karantiimayn ku dhisan oo aan u oggolaanayn inay bulshada caadiga ah ka mid noqdaan.

”
“

Markii uu naf kale waayey ayuu hadba gidaar isku qaadayaa.

”
“

Wararka laga helayo deegaanka suuqa Xoolaha ayaa sheegaya in askari ka tirsanaa Ethiopia uu geriyooday kadib markii kooxo hubeysan ay Bamgacmeed ku weerareen xayn askar ah oo gidaar fadhiyey.

”

Falanqaynta Naxwaha

Qaybta Hadalka

Magac Lab (m.l)

Isrogrog

-rro, m.dh

Cilmiga

Baayoloji (baay.)

Xarafka

G · GI

La Wadaag

Sawirka La Wadaagga

Soo koobid ereyga, macnihiisa, iyo tusaalaha

Fur daaqad cusub
gidaar - sawirka la wadaagga

La Wadaag

Waxaan isticmaalnaa falanqayn si aan SABAAD uga dhigno mid degdeg ah, la isku halleyn karo, oo si joogto ah u soo hagaageysa. Tani waxay naga caawineysaa inaan bixino waxbarasho tayo leh iyo khibrad barasho oo wanaagsan. Ma uruurino macluumaad shakhsiyeed. Akhri wax badan