(xis.) Qiimaha xaddi oo u kordha xad la'aan. Tusaale ahaan, haddii y = 1/x, markaa y waxa ay sigaysa tirobeel marka x ay siqdo 0. tirobeel-yare m.l (xis.) Doorsoome uu xadkiisu yahay eber. Laba doorsoome sida x iyo y oo mid kasta ku dhowaado eber, waa tirobeel yare oo isku heer ah haddii saamiga x uu yahay koobane oo aan ku dhowaan eber. Haddii x/y --> o, x waxa ay leeyahay tirobeel yare heerkiisa ka sarreeya kan y iyo haddii x/y --> '8?', xi waxay leedahay heer ka hooseeya kan y. y tiro-dhalasho m.dh Lambarka dhallaanka nool oo sannad gudihiis dhasha 1000 kii naagood da'doodu u dhexeysa (15-44) sano da'da dhalidda. tiro-dhimasho m.dh Tirada dhimashada dadweynaha ee muddo cayinan dhexdeed. Tirada dhimasho sanadeedka waa tirada inta dhimatay oo diiwaangashan ee sannad gudihiis oo lagu dhuftay (x) 1000 loona qaybshay tirada dadka uu le'egyahay sannadka bartamihiisa. tirooyinka lakab la' m.l (xis.) Tiro maangal ah oo aan loo qori karin abyoone ahaan ama aan loo qori karin qaybta la'aa abyoone. Tirooyinka lakabka la' waa akoobane, jajab tobanle aan soo noqnoqon. tirooyin-khayaali m.l (xis.) Tiro murakab ah oo leh sansanka a+bi oo b aan la' ekayn eber, aas oo, a iyo b yihiin tirooyin maangal ah, iyo i = -1. Ama waa tiro labajibbaarkeedu uu yahay tabane. tirosin aritmatig m.dh (xis.) Tirosinka aritmatig ee urur ka kooban n-tiro waa tirsame wadarta n-da tiro oo loo qaybiyey tirada tirooyinka. Tusaale ahaan, tirosinka aritmatig ee ururka {1, 4, 3, 0, 1, 2,Γ¬ 1, 4} waa (1+4+3+0+1+2+1+4): 8 = 16 : 8 = 2.
Falanqaynta Naxwaha
Magac Lab (m.l)
xis.
Xisaab (xis.)
T Β· TI
La Wadaag
Sawirka La Wadaagga
Soo koobid ereyga, macnihiisa, iyo tusaalaha
La Wadaag
