U gudub nuxurka bogga
SABAAD

duufaan

Magac Lab/Dheddig
Naxwe-nno, m.dh
Xaraf DSubg DU7 xar
1

Dabayl xoog leh, roob wadata oo waxyeello dhulka gaarsiisa. duufaan-kulaalay m.l (-nno ..., m.dh) (juqr.) Gobol cadaadis hoose leh, dhulkeedu wuu yar yahay, laakiin waxay leedahay duufaan xoog leh, oo ka soo bilaabma gobollada kullalayda, runtii, waxay la mid tahay godan, laakiin way yartahay aadna way u xoog badantahay. duufaan-onkodle m.l (-nno ..., m.dh) (fiis.) Duufaan maayado hawo sare oo xooggan leh, oo sameeya daruuro kumuloonimbas ah oo aad u kobocsan, oo leh dhibco aad u waaweyn, oo yeelan kara baraf dhagax ah, kolkaa danab qulqulka sameysmaa bhaliyo hillaacyo, iyo onkod ka dhashay fididda hawada kulka badan e hilaaca darteed.

Tusaale Dheeraad ah3

“

Ugu yaraan 80-tahriibe oo u badan Ethiopian ayaa ku dhintay xeebaha dalka Yemen, sida ay shaaciyeen xalay Wasaarada Arimaha Gudaha ee dalka Yemen iyo hay’adda UNHCR, kadib markii doomihii ay saarnaayeen oo aad u liitay ay duufaan xoogan ku dhufatay.

”
“

Iyada iyo maansooyin kale oo badan oo cajalado lagu duubay, oo siyaasad iyo qabyaalad u badnaa, oo qaarkood xilligaas la curiyay qaarkood na hiddaha laga soo nooleeyay, wax ay ahaayeen duufaan dadka soomaalida ku kacday.

”
“

Hase yeeshee anaga oo badda badhtankeeda marayna ayuu duufaan xoog lihi nagu kacay, halkaas ayeyna doontii ku degtay, xoolihii iyo dadkii saarnaana biyihii badda ayey kala raaceen oo meel ay mareen lama arag.

”

Falanqaynta Naxwaha

Qaybta Hadalka

Magac Lab/Dheddig (m.l/dh)

Isrogrog

-nno, m.dh

Xarafka

D · DU

La Wadaag

Sawirka La Wadaagga

Soo koobid ereyga, macnihiisa, iyo tusaalaha

Fur daaqad cusub
duufaan - sawirka la wadaagga

La Wadaag

Waxaan isticmaalnaa falanqayn si aan SABAAD uga dhigno mid degdeg ah, la isku halleyn karo, oo si joogto ah u soo hagaageysa. Tani waxay naga caawineysaa inaan bixino waxbarasho tayo leh iyo khibrad barasho oo wanaagsan. Ma uruurino macluumaad shakhsiyeed. Akhri wax badan