U gudub nuxurka bogga
SABAAD

kayd

Magac Lab
Naxwe-dad, m.lKimisteri
Xaraf KSubg KA4 xar
1

Cunno, lacag iwm oo meel loo dhigto in waa dambe la cuno ama wax lagu qabsado. kayd-ayoonayn m.l (kiim.) Summad: IP. Taranta loo baahanyahay in lagaga qaado hal elektaroon atam (ama molikiyuul koox) markuu yahay wejiga neefta. kayd-faraq m.l (-dad ..., m.l) (fiis.) Summad: V. Hawsha lagu qabtay dhaqaajinta saldanab laba barood oo mareeg danab ka mid ah dhexdooda. Halbeegga Caalamiga ee keyd faraqu waa foolt (V). V = W/Q. kayd-haye m.l (-yayaal, m.l/dh) Qof wax kayd ah haya.

Tusaale Dheeraad ah3

“

Maxamed Cabdi Gaboose, Jeneral Xasan cabdule Walanwal(xasan kayd), Aabihii Tacliinta Soomalida Maxamoud Axmed Cali iyo rag kaloo badan oo magac iyo taariikhba ku leh geyiga Soomaliyeed gaar ahaan jamhuuriyada Somaliland.

”
“

Doollarka Maraykanku waa lacagta adduunka ugu isticmaal badan, waa lacagta bankiyada adduunkoo idili kayd ahaan u haystaan, waa aaladda ugu ballaaran oo loo adeegsado isdhaafsiga ganacsiga caalamiga ah, iyo sarrifka lacagaha qalaad.

”
“

Dhanka kale, xawaaladuhu hadda ma fulin karaan hawlaha bangiyada kuwa ugu muhimsan oo ah kayd uruurinta (deposit taking) iyo amaah bixinta (credit allocation), oo waxaa xannibaya shuruudaha aan kor ku soo sheegay oo ay ugu horrayso nabadgelyo la’aan.

”

Falanqaynta Naxwaha

Qaybta Hadalka

Magac Lab (m.l)

Isrogrog

-dad, m.l

Cilmiga

Kimisteri (kiim.)

Xarafka

K · KA

La Wadaag

Sawirka La Wadaagga

Soo koobid ereyga, macnihiisa, iyo tusaalaha

Fur daaqad cusub
kayd - sawirka la wadaagga

La Wadaag

Waxaan isticmaalnaa falanqayn si aan SABAAD uga dhigno mid degdeg ah, la isku halleyn karo, oo si joogto ah u soo hagaageysa. Tani waxay naga caawineysaa inaan bixino waxbarasho tayo leh iyo khibrad barasho oo wanaagsan. Ma uruurino macluumaad shakhsiyeed. Akhri wax badan