2
Cad dhalo ah oo wixii lagu fiiriyo muukaalqooda weynaysa. dąal1 m.l Culayska iyo jiirago'a oogada ku dhaca kolka socod dheer ama hawl adag la qabto; noog. dąal2 m.l Noog xagga jirka iyo maskaxda oo ka yimid hawl adag ama muddo dheer socotay. D.ka muruqyada waxaa keena walax aan waxtar jirka u lahayn oo ka yimaada metaboliisimka oo ku urura muruqa kana farabata shaqada dhiigga oo dibedda jirka uga saara. Nafaqo xumo ama cudur waxay qofka u keeni karaan d. dheeraad ah. dąal3 f.mg1 (-aąlay, -aąshay) Socod dheer ama hawl adag oo la qabtay awgeed, culays iyo jiirago' oogada ka dareemid.
Falanqaynta Naxwaha
Qaybta Hadalka
Magac Lab (m.l)
Isrogrog
daaw.
Xarafka
D · DA
La Wadaag
Sawirka La Wadaagga
Soo koobid ereyga, macnihiisa, iyo tusaalaha
La Wadaag
