U gudub nuxurka bogga
SABAAD

aragti

Magac Dheddig
Naxwe-iyo, m.lBaayoloji
Xaraf ASubg AR6 xar1 Tusaale
1

Sida arrin cid ugu muuqato.

2

Awoodda waxgarashada dadka.

3

Arag. .

4

Fikrad, mabda' iwm oo cidi rumaysantahay kuna salaysan xeerar iyo qawaaniin gaar ah. aragtida Darwin m.dh (baay.) Aragtida tadawurka ee ahayd isirka sinjiyada oo Charles Darwin soo saaray 1859, taas oo ilaa hadda dadka qaarkood rumaysanyahay sinjiyadu inay ka soo jeedaan noocyada abnaqyada hoose, marka loo eego dariiqadda xulashada dabeeciga. aragtida kuwaantam m.dh (-iyada ..., m.dh) (fiis.) Aragti ugu horeyntii u soo saaray Maks Blank (1858-1947) oo sharaxaysa kaaha walax madow, wuxuuna soo bandhigay afeef ah in tamarta birlabdanabeedku ku baxdo arbucuunaansho kuna qaadanto qaybo joogto ahayn oo ku dhufsanayaal abyoon ah. Tusaale ahaan, tamartu waxa ay u baxdaa baakidho yar yar oo isdabajoog ah. Rakaad kasta oo birlabdanabeed waxa la xiriira baakidho yaryar oo tamar ah, ma jirto tamar la helo oo ka yar baakidhadan, kuwaas oo loo yaqaano kuwaantaam ama footoon. aragtida Leewis m.dh (-iyada ..., m.dh) (kiim.)

Tusaalooyin

“

Nin iyo baadidii aragti baa ka dhexeysa

”

Tusaale Dheeraad ah3

“

Ama ha sababto xammaasadda xorriyadda, am il-duuf iyo kama ka dhacay aabayaasha gobanimada ha noqoto ama aragti-gaabni siyaasiyiinta ka dhacday ha ahaatee, awooddihii iyo muuqaaladii kale ee Jamhuuriyadda cusub waxaa loo badiyey Koofurta.

”
“

. U howlgalida isbedel dimuqraadiyadeed oo aan is dirqin lahayn, kuna dhisan aragti nabadeed si loo xoojiyo wada noolaanshaha bulshada, loona abuuro jawi tartan siyaasadeed oo caafimaad qaba.

”
“

Balse waxaan maqli jirey aduunyada nin nooloow maxaa aragti kuu laabane, waxay iigu darnayd markii aan dhowaan maqlay fal isagu haatan ugub ah oo aad iyo aad u fool xun.

”

Falanqaynta Naxwaha

Qaybta Hadalka

Magac Dheddig (m.dh)

Isrogrog

-iyo, m.l

Cilmiga

Baayoloji (baay.)

Xarafka

A · AR

La Wadaag

Sawirka La Wadaagga

Soo koobid ereyga, macnihiisa, iyo tusaalaha

Fur daaqad cusub
aragti - sawirka la wadaagga

La Wadaag

Waxaan isticmaalnaa falanqayn si aan SABAAD uga dhigno mid degdeg ah, la isku halleyn karo, oo si joogto ah u soo hagaageysa. Tani waxay naga caawineysaa inaan bixino waxbarasho tayo leh iyo khibrad barasho oo wanaagsan. Ma uruurino macluumaad shakhsiyeed. Akhri wax badan