Awoodda waxgarashada dadka.
Arag. .
Fikrad, mabda' iwm oo cidi rumaysantahay kuna salaysan xeerar iyo qawaaniin gaar ah. aragtida Darwin m.dh (baay.) Aragtida tadawurka ee ahayd isirka sinjiyada oo Charles Darwin soo saaray 1859, taas oo ilaa hadda dadka qaarkood rumaysanyahay sinjiyadu inay ka soo jeedaan noocyada abnaqyada hoose, marka loo eego dariiqadda xulashada dabeeciga. aragtida kuwaantam m.dh (-iyada ..., m.dh) (fiis.) Aragti ugu horeyntii u soo saaray Maks Blank (1858-1947) oo sharaxaysa kaaha walax madow, wuxuuna soo bandhigay afeef ah in tamarta birlabdanabeedku ku baxdo arbucuunaansho kuna qaadanto qaybo joogto ahayn oo ku dhufsanayaal abyoon ah. Tusaale ahaan, tamartu waxa ay u baxdaa baakidho yar yar oo isdabajoog ah. Rakaad kasta oo birlabdanabeed waxa la xiriira baakidho yaryar oo tamar ah, ma jirto tamar la helo oo ka yar baakidhadan, kuwaas oo loo yaqaano kuwaantaam ama footoon. aragtida Leewis m.dh (-iyada ..., m.dh) (kiim.)
Tusaalooyin
Nin iyo baadidii aragti baa ka dhexeysa
”Ereyada La Xidhiidha
Falanqaynta Naxwaha
Magac Dheddig (m.dh)
-iyo, m.l
Baayoloji (baay.)
A · AR
La Wadaag
Sawirka La Wadaagga
Soo koobid ereyga, macnihiisa, iyo tusaalaha
La Wadaag
