Skip to main content
SABAAD

cimilo

Magac Dheddig
Naxwe-ooyin m.l
Xaraf CSubg CI6 xar
1

Xaaladaha kala duwan ee jawi oo meeli leedahay. cimilo-badeed m.l (juqr.) Cimilo si weyn ay u saamayso dhawaanta baddu,taas oo siinaysa xagaa gamooje ah iyo jilaal diiran. Taasna waxaa ugu wacan awoodda haynta kulka oo ay kala duwanyihiin dhulka iyo biyuhu. Badda dhulka ayaa ka hor kululaada kana hor qabooba, saamaynteeduna waxay abuurtaa cimilo isu ekaan karta. cimilo-badhaale m.dh (juqr.) Nooca cimilo ee laga helo dhulalka hoose ee u dhexeya loolka ilaa 10° ee woqooyiga iyo koonfurta badhaha. Sannadka oo dhan heerkulka iyo huurkuba si aan isbeddel lahayn ayayba u sarreeyaan, isbeddellada xilliyeedna waa wax aad u yar. cimilo-buureed m.l (juqr.) Nooc cimilo oo ay keenaan kala sarraynta iyo joogga dhulka halkii ay ka keeni lahaayeen loolka iyo xaaladda badeedda ka jirta meesha; waxaa dhici karaysa in laga helo gobol kasta, wuuna ka baxsanyahay habka cimilo goboleedka waaweyn ee jira. Marka loo fiirsho dhulalka hoose, buuruhu waxay muujiyaan hoos u dhac xagga cadaadiska hawada, heerkulka, huurka, iyo kaah qorraxeedka oo kordha, iyo marka la gaaro joog door ah oo roobku bato. cimilo-fidsan m.dh (juqr.) Cimilada gobol cimileed weyn, sida, cimilada tundara, ama bed kale oo weyn sida qaarad, si looga sooco cimilo kooban. cimilo-goboleed m.l (juqr.) Qayb ka mid ah qaybaha waaweyn ee loo qaybiyo cimilada dunida. cimilo-gooreed-daqas m.dh (juqr.) Xaaladda gibilka ee waqti gaar ah ama xilli yar oo gaar ah, sida ay ku qeexaan cilmi gibillo kala duwani, oo ay ka mid yihiin cadaadiska gibilka, heerkulka, huurka hawada, roobka, daruuraha, iyo xawaaraha dabaysha iyo jihada. Dhulbadhaha agtiisa cimilo gooreedu waxay samaysaa isbeddel yar taasoo inta badan la mid ah cimilada. cimilo-kooban m.dh (c.cimi.) Cimilada bed aad u kooban, waxaa suurtaggal ah inuu yahay degaan yar oo la deggan yahay. Degaankaas waxaa raad ku leh saamayn meeleedka aad u kooban, waxyaabaha cimilo-qaaradeed saamaynta keenayana waxaa ka mid ah rugta, carrada, degaanka iwm taasina waxay badanaa muhiim u tahay barashada cilmiga degaanka. cimilo-qaaradeed m.dh (juqr.) Nooc ka mid ah cimilooyinka dunida oo laga helo dhulweyneyaasha dunia, gaar ahaan inta u dhexeysa kulaaleyda iyo tundaraha ee galoobbadhka woqooyi. Saamaynta cimiladaasi waxay gaadhaa xeebahabariga ee qaaradaha iyo jasiiradaha deriska la ah. Waa cimilo ay astaan u tahay faraqa weyn oo u dhaxeeya heerkulka xilliyada kulaylaha iyo gabowga.

Falanqaynta Naxwaha

Qaybta Hadalka

Magac Dheddig (m.dh)

Isrogrog

-ooyin m.l

Xarafka

C · CI

La Wadaag

Sawirka La Wadaagga

Soo koobid ereyga, macnihiisa, iyo tusaalaha

Fur daaqad cusub
cimilo - sawirka la wadaagga

La Wadaag