Magacyada Magacyadu waxay tilmaamaan dad, duunyo, shay, ra'yi, fal iwm sida: nin, ari, buug, figrad, maanta, bixid iwm. Haseyeeshe waxaa loo sii kooxeeyaa iyaga oo laga eegayo qaar ka mid ah astaamahooda la xiriira micnahooda, madaama astaamahaasi ay muujinayaan qaabab sarfeed iyo weereed oo kala duwan. Magacyadu waxay la socon karaan cayimayaal (determiners), kuwaasoo dib loogu lifaaqo magacyada, sida aan ku arki doonno bogagga soo socda. 1.1 Qaybaha magacyada Guud ahaan magacyadu waxay u kala baxaan: a. Magacyo gaar ah, kuwaasoo lagu aqoonsado qof ama shey gaar ah, sida: Cali, Maryam, Moqdisho iwm. b. Magacyo guud, kuwaasoo ah macgacyo aan cidna u gaar ahayn, sida: geed, nin magaalo, duqnimo iwm, waxaana lagu lifaaqi karaa cayimayaal, waxaana laga dhigi karaa wadar. Magacyada guud laba qaybood ayaa loo sii kala saaraa: magacyo cillanaad oo ay tilmaamayaan wax shanteenna dareemayaal aanu dareemi karin sida: ra'yi, ceeb, run, jacayl, dadnimo iwm. magacyo caadyaal ah oo tilmaamayaan wax nool ama shay la arki karo oo la taaban karo sida: nin, guri, ari, geed iwm. Magacyada caadyaalka ahi waxay u sii kala baxaan laba qaybood: - Magacyo tirsama oo ah magacyo tilmaamaya dad ama shay la tirin karo, sidaa darteed magacyadaas qaab wadareed ayay lahaan karaan. afar buug ayaan akhriyey. buugag baan kuu soo iibiyey. - Magacyo aan tirsamin waa magacyo tilmaamaya wax aan la tirin karin sida: sonkor, biyo, caano, ciid iwm, sidaa darteed suurtaggal ma ah in aan niraahno:* hal sonkor, * laba caano, *afar ciid iwm. Arrirtan ayaa ugu wacan in ereyadani aanay lahaan karin qaab wadareed. Waxaa kaloo ka mid ah magacyada aan tirsamin magacyo kale oo aan tilmaamaynin qof ama neef xayawaan ah oo keliya, laakiinsee tilmaamaya koox dad ama duunyo ah, oo loo arkayo sidii wax midaysan ama urur ah, sidaa darteed lama raacsin karo tiro wadareed, magacyadaasna waxaa lagu magacaabaa magacyo urur, waxaana ka mid ah: dad, dumar, ari, ido, caruur, geel iwm. 1.2 Astaamaha guud ee magacyada a. Caynta: lab iyo dheddig Caynta magaca, gaar ahaan marka aan qodob raacsanayn, waxaa lagu gartaa codkaca iyo dhammaad yara kala duwan ee ay leeyihiin magacyada qaarkood, dib baanse uga faalloon doonnaa arrintaas. Magacyada labeed Waxaa ka mid ah: nin(ka), ari(ga), miis(ka), gabay(ga), fal(ka) iwm. Magacyada labeed waxaa lagu aqoonsadaa codkaca (tone) oo ku dhaca shaqalka ka horreeyo midka ugu dambeeya, magacyada dheddigna shaqalka ugu dambeeya ayaa codkacu ku dhacaa. Sidaa darteed aad ayay u badanyihiin magacyada mataanaha ah, oo kala duwanaanta codkacooda uun lagu kala sari karo micnaha kala duwan ee ay kala leeyihiin labada magac oo lab iyo dheddig kala ah sida kuwa soo socda: L ínan (ka) ceesáan (ka) dálab (ka) shílin (ka) Dh inán (ta) ceesaán (ta) daláb (ta) shilín (ta) Si loo kala saaro caynta magacyada mataanaha ee hal alanlaha ah, yacnii hal shaqal oo keliya leh, waxaa jira hab codayn kale oo lagu kala saaro, waa nooc kale oo shaqalka loogu dhawaaqo: mid culus iyo mid fudud. Bal isku daya in dhawaaq ahaan aad ku kala saartaan caynta ereyadan mataanaha ah: L (shaqal culus) ur (ka) gar (ka) dul (ka) tuur (ka) fool (ka) Dh (shaqal fudud) ur (ta) gar (ta) dul (sha) tuur (ta) fool (sha) Magacyada dheddigeed Waxaa ka mid ah: naag(ta), bad(da), beer(ta), cunid(da). Waxaa kaloo dheddig ah magacyada ku dhamaada -o ama -i intooda badan, sida: dhalo(da), aragti(da), bari(da), xero(da), jago(da), mindi(da) iwm. b. Tirada: keli iyo wadar Magacyada kelida ah malaha qaab ama lifaaqyo gaar ah, waxayna tilmaamaan dad, duunyo, shay iyo fal, sida: guri, gacan, dal, dhagax, nin, rati, qarin iwm. Si magacyada looga dhigo wadar waxaa jira xeerar kala duwan oo ay kala leeyihiin magacyada labka iyo kuwa dheddigga. Magacyada labka ee kelida ah Waxay ku wadaroobaan dibkabayaal kala duwan: - Magacyada hal alanlaha ah waxay ku wadaroobaan dibkabaha shibbanaha ugu dambeeya ee magaca. Intaa waxaa sii dheer in dibkabuhu siyaabo kala duwan uu ugu lifaaqmo ereyga: Haddii magac lab oo kelida ah uu ku dhammaado: b, d, n, l, r, waxaa labalaabma shibbanaha ugu dambeeya, cayntiisuna dheddig ayay isu beddeshaa. 2 Labada erey ee ugu dambeeya waxaaloo adeegsaday xeerka ku xusan tixraaca hoose ee hore. - Magacyada dheddig ee kilida ah oo ku dhammaada -o waxay ku wadaroobaan dibkabaha -oyin, waxayna isu beddelaan magacyo lab. Cayimayaasha (determiners) Cayimayaashu waa koox u qaybsan afar qaybood markii laga eego xagga waxqabadkooda micneed, yacnii kala qaybintoodu waxay la xiriirtaa nooca xogwarran ee ay ku biirinayaan hadba magaca dibkabe ahaan loogu lifaaqayo. Waxayna u kala baxaan: qodobo, tilmaameyaal, weyddiimo iyo lahaansho. Giddigoodu waxay leeyihiin: qaab labeed oo ku bilaabanaya xarafka -k iyo qaab dheddigeed oo ka bilaabanaya -t, waxayna waafaqaan hadba caynta magaca ay ku lifaaqmayaan. Cayimayaashu marna ma wadaroobaan xataa haddii magaca ay ku lifaaqanyihiin uu yahay wadar. 2.1 Qodobbada Qodobka oo dowrkiisu yahay in uu cayimo magaca laga hadlayo ayaa afaf badani u adeegsadaan laba qaab: qodob wax cayima iyo qodob aan wax cayimin. Af-soomaaliguse wuxuu leeyahay midka wax cayima oo keliya, sida af carbeedka. Taasi waxay la micna tahay in magaca aanu raacsanayn qodob uu yahay wax aan cayinnayn ama aan la aqoonin. Haddii lagahadluhu uu ka fogyahay qofka hadlaya ama uu yahay wax mar hore laga hadlay waxaa loo adeegsadaa -kii/-tii, laakiin -ka iyo -ta kuma xirna labadaa arrimood ee hore. Qaabka qodobku wuu isbeddelaa, waxuuna ku xiranyahay hadba sida uu yahay dhammaaka magaca lagu lifaaqayo3 Xeerarka aan halkan ku soo bandhigaynaa waxaa la wadaaga cayimayaasha kale ee ka bilaabma -k iyo -t. Qodobka -ka wuxuu isu beddelaa: -ha, -ga, -a. Xaaladaha keena isbeddelladaasina waa kuwan: qodobka -ka wuxuu isu beddelaa -ha markuu raaco magac ku dhammaada shaqalka -e ama -o. Qodob dheddigeedka -ta isna wuxuu isu beddelaa: -da ama -sha. - -t waxay noqotaa -d marka ay raacdo magac ku dhammaada shaqalka -o ama -d, -c, -x, -h, -y, hamsa (‘). 2 Dibkabayaasha tilmaamayaasha Tilmaamayaasha, sida qodobbada, ayaa magaca gadaal looga lifaaqaa, tiradooduna waa saddex, kala duwanaantoodu waxay la xiriirtaa masaafada u dhexaysa hadlaha iyo waxa uu tilmaamayo. Masafadaas saddex meelood ayaa loo kala saaraa: cayn Lab Dheddig dhawaan durugsan baallayn -kan -tan -kas -tas -keer -teer Tilmaamyaashu waxay raacaan xeerarka isbeddel-codeeka ee aan ku soo xusnay qaybta qodobbada, sida laga dareemaayo tusaalayaashan. 3 Dibkabayaasha lahaanshaha Xitaa dibkabayaasha lahaanshaha waxay u kala baxaan lab iyo dheddig, waxayna muujiyaan waxa uu milkiiluhu leeyahay: qofka lab dheddig 1° 2° 3° l 3° dh 1° w.so 1° w.mi 2° w 3° w -kayga -kaada -kiisa -keeda -kaayaga -keenna -kiinna -kooda -tayda -taada -tiisa -teeda -taayada -teenna -tiinna -tooda Qaababkan lahaansho waxay ka koobanyihiin laba shay: dibkabe lahaansho iyo qodob, sida dibkabaha kayga oo ka soo jeeda kay + ka. Xitaa dibkabayaasha lahaanshahu waxay ku billaabmaan -k kuwooda labka ahi, kuwa dheddigga ahina -t, sidaa darteed waxy raacaan xeerarkii isqabadyada ee aan kor ku soo xusnay. 4 Dibkabayaasha weyddiinta Waxaa loo adeegsadaa marka la weyddiinayo in la ogaado magaca qofka yeelaha ama layeelaha ah. Dibkabaha -kee labka ayuu u gaar yahay, -tee na dheddigga. Magacuyaallada Magacuyaalladu dhowr siyood ayay u kala baxaan.Waxaan ka hadalkooda ku billaabaynaa magacuyaallada qofeed oo ay u kala baxaan: magacuyaallo qofeed ee ebyoon iyo magacuyaallo qofeed ee dhimman. 3.1 Magacuyaallo qofeed ee ebyoon Waxay matalayaan magacyada, weerta gudaheeda waxay ka qabtaan kaalinta yeelaha iyo layeelaha, waxayna yeelan karaan weer faahfaahineed (relative phrase) iwm. 2° ke. ani-ga adi-ga 3° ke.l 3° ke.dh 1° w.so 1° w.mi 2° w 3° w isa-ga iya-da anna-ga inna-ga4 idin-ka iya-ga 3.2 Magacuyaallada qofeed ee dhimman Waa qayb gaar ah, maxaayeelay ma geli karaan kaalinta magaca, sida aan ku aragnay magacuyaallada abyoon. Waxaana shardi ah in lagu meeleeyo falka hortiisa oo keli ah, halkaasoo ah rugtaa koox faleedka (horyaallada, magacuyaallada dhimman iyo qurubyo kale), kuwaasoo isku dhafma. Qayb kaalintoodu marwaliba waa yeele, qaybta kalena waa layeele. a. Magacuyaallada dhimman ee yeelaha ah waa kuwan: 1° ke. aan 2° ke. aad 3° ke.l uu 3° ke.dh ay 1° w.so aan / aannu 1° w.mi aynu 2° w aad / aydin 3° w ay Midda kale ereyga so (soocan) waxaa loola jeedaa in qaabka aan/aannu la adeegsado marka lala hadluhu uusan ka mid ahayn yeelayaasha, ereyga kale mi (mideeya) isna wuxuu tilmaamayaa in ereyga aynu la adeegsado marka lala hadlaha uu ka mid yahay yeelayaasha. Halka ay Maryan ku sugantahay baan (baa + aan) aqaanaa Waxaynu rajaynaynaa in maamulahu uu dhakhsi ku yimaado b. Magacuyaallada dhimman ee layeelaha ah iyaguna markooda laba qayb ayay u kala baxaan: Kuwan hore ayaana adeegsigoodu badanyahay: 1° ke. I 2° ke. Ku 1° w.so Na 1° w.mi Ina 2° w Idin 3°ke.l/3°w Ø (ma laha) Kuwa kalena waa kuwan: 1° ke. 2° ke. 1° w.so 1° w.mi 2° w 3° ke.l/3° w kay kaa kayo keen kiin Ø (ma laha) Magacuyaalladan waxaa la adeegsadaa markii barta koox faleedyada ay ku wada kulmaan laba magacuyaal dhimman. Waxaa kaloo ka mid ah qaybaha magacuyaallada dhimman labo magacuyaal kale: la iyo is. La waa magacuyaal yeele oo aanu caddayn qofka loola jeedo, waa qof-laawe (passive), falkuna wuxuu ula dhaqmaa sidii qofka 3° ee lab oo kelida ah. 2°ly.ke) Is waa magacuyaal aan isbeddelin oo layeele ah, muujinayana in falku uu ku noqonayo isla yeelaha ama wax la is weydaarsanayo. 3.3 Koox kale oo ka mid ah magacuyaallada ebyoon Qaababka cayimayaasha (yacnii dibkabayaasha tilmaamaha, lahaanshaha iyo weyddiimaha ee kor ku xusan) oo lagu lifaaqo magacyada, waxaa loo adeegsan karaa si madaxbannaan, yacnii magacuyaal ebyoon ayay yihiin. Magacuyaalladan waxay kaloo cayimayaasha uga duwanyihiin in ay leeyihiin qaab wadareed oo aan u kala soocnayn lab iyo dheddig iyo arrima kale oo aan mid mid u arki doonna: a. Magacuyaallo tilmaame Magacuyaalladan laba arrimood ayay uga duwanyihiin dibkabayaasha tilmaame. Waxay leeyihiin qaab wadareed iyo qaab 4° oo aan lahayn dibkabayaasha tilmaame oo tilmaamaya wax meel shishe yaalla. cayn dhawaan durugsan baallayn shishayn lab dheddig wadar = l. & dh. kan/ka tan/ta kuwan kaas/kan taas/tan kuwaas keer teer kuweer koo too kuwoo Magacuyaallo lahaansho Xitaa magacuyaallada lahaansho waxay u kala baxaan lab iyo dheddig, waxayna leeyihiin qaab wadareed cayntiisu aanay u kala soocnayn lab iyo dheddig. qof lab dheddig wadar 1° 2° 3° l 3° dh 1° w.so 1° w.mi 2° w 3° w kayga kaada kiisa keeda kaayaga keenna kiinna kooda tayda taada tiisa teeda taayada teenna tiinna tooda kuwayga kuwaaga kuwiisa kuweeda kuwayaga kuweenna kuwiinna kuwooda Magacuyaallo aan cayinayn Magacuyaalladan waxay tilmaamaan qof ama wax aan cayinayn oo magaciisa aan la aqoon, waxayna noqon karaan yeele ama la yeele, waxayna leeyihiin qaab wadareed. Xitaa qodobka kii/tii waxa loo adeegsan karaa magacuyaal ahaan marka la doonaayo in la qariyo qof magaciisa. lab dheddig wadar ku koo kii mid tu too tii mid kuwo kuwo kuwii kuwo Magacuyaallo weyddiimeed Magacuyaallada soo socda waxaa la adeegsadaa oo keliya marka la doonayo in la ogaado qof ama shey magaciisa kaasoo yeele ama layeele noqon kara: lab dheddig wadar kee kuma yaa tee tuma yaa kuwee kuwama kuwee Falalka Waxaanu halkaan ku soo koobaynaa sifaynta sarfaha hodanka ah ee falalka af-somaaliga, ha ahaato xagga isrogrogga iyo xagga farcamidda. Dhismaha aasaasiga ee qaababka falalka af-soomaaliga intooda badani waa sidatan: I Salka ereyga II Salkordhiye III Qof IV Isrog.(amminka) I - Salka ereyga Waa unugga matilaya micnaha ereyga. Waxaana ka mid ah falalka sida: cun, qor, xir, dil iwm. Dhammaan sal-faleedyada fal-gudbayaasha iyo falmagudbayaasha ee aan lahayn lifaaqyo (yacnii dibkabe la'aan ah) waxay ka mid yihiin kooxda isrogrogga 1°. Sida aan dib ugu arki doonno xitaa salka ereyga wuxuu noqon karaa mid ka kooban sal iyo dibkabe, sida falalka asalkoodu ka soo jeedo magac: duq, carro iwm oo markii lagu lifaaqo dibkabaha -ow ay noqonayaan falal. II - Salkordhiye Waa wax markii lagu lifaaqo salka uu ereyga ku kordhiyo micna dheeraad ah, isagoo beddelaya xataa tirada kaqaybgalayaasha hawsha, sida aan ka dareemayno weertan: Koobku waa jabay Weertani waxay leedahay hal magac oo yeele ah, falkuna waa fal-magudbe, weerta: Maryan koobka way jabisay waxaa ku jira labo magac oo kala ah yeele iyo layeele, falkuna markan waa fal-gudbe. Haddaba sal-faleedka jab oo ah fal-magudbe ka tirsan kooxda isrogrogga 1° waxaa lagu kabay salballaariyaha -is oo ka dhigay fal-gudbe oo ka tirsan kooxda isrogrogga 2°. III - Qof Waa shayga muujinaya iswaafajinta falka iyo qofka ah falaha weerta: (Iyadu) way cuntay [ cun sal ] [ t ] waaf. qf 3°dh [ ay ] isrog. tagto (Annagu) waan cunnay [ cun sal ] [ n ] waaf. qf 1°w [ ay ] isrog. tagto (Isagu) wuu cunay [ cun sal ] Ø waaf. qf 3°ke [ ay ] isrog. tagto IV - Isrogrogga Isrogroggu waa shayga muujinaya falka amminkiisa (tense), muuqaalkiisa (aspect) iyo habkiisa (mood). Iskudhafka lifaaqa iswaafajiyaha qofka iyo amminku wuxuu soo saaraa 5 qaab oo kala duwan, laakiin waxaa loo adeegsadaa 8 nooc magacuyaal oo kala duwan. Arrintaasna waxaa tusaale ahaan aan ka arkaynaa falka cun isrogroggiisa amminka joogtada iyo tagtada ah: qofka 1 ke 2 ke 3 ke. l 3 ke. dh 1 w. so 1 w. mi 2w 2w (waan) (waad) (wuu) (way) (waan) (waynu) (waad) (way) tagto joogto cun - Ø - ay cun - t - ay cun - Ø - ay cun - t - ay cun - n - ay cun - n - ay cun - t - een cun - Ø - een cun - Ø - aa cun - t - aa cun - Ø - aa cun - t - aa cun - n - aa cun - n - aa cun - t - aan cun - Ø - aan Sida muuqata waa eber (Ø) lifaaqa qof qofka 1°ke, 3°ke.l; 3°w; lifaaqa -twaxuu u gaar yahay qofka 2°ke, 3°ke.dh, 2°w; lifaaqa -n- isna waxaa u gaar yahay qofka 1°w. Lifaaqyadan waxaa lagu sii lifaaqaa dibkabaha isrogrogga falka tagtada oo ah -ay ama -een, marka falku uu yahay joogtana waxaa lagu lifaaqaa -aa/-aan. Dabcan, isrogrogyada noocyadoodu way badanyihiin oo kuma eka oo keliya midka la xiriira amminka aan tusaale ahaan kor ku soo muujinnay, laakiin waxaa jira kuwa kale oo la xiriira muuqaalka (aspect), habka (mood) iyo xataa marka falku yahay qaab diidmo ah (tusaalooyinka la xiriira isrogroyadan waxaa laga helayaa shaxda isrogrogga falalka). 4.1 Kooxaynta falalka Af-soomaaliga, isagoo laga eegayo xagga isrogrogga, waxaa la ogaadey in falalku ay u kala baxaan laba qayb sarfeed: a) qayb aad u tira badan oo leh dibkabeyaal, b) iyo qayb sooyaal ah oo si gaar ah ay u leeyihiin sarfe horkabe iyo dibkabe ah, qaybtaan waxaa ka mid ah falka yahay oo marka uu yahay tagto u dhaqma sida falalka dibkabayaasha leh, marka uu joogto yahayna wuxuu noqdaa fal dibkabe ah a. Kooxda 1°: falalka dibkabayaasha leh (Isrogroggooda) Falalka kooxdan 1° oo sarfahoodu aanu fududayn waxay ka koobanyihiin 4 nooc isrogrog oo kala duwan. Isrogrogga 1° Isrogroggani waxaa u gaar ah falalka aan salkoodu lahayn lifaaqyo, ha ahaadeen fal-gudbe (cun, qor, xir...) ama fal-magudbe (tag, jab, kar…). Biyuhu way barafoobeen) nacas + ow = nacasow - Qaybta 2° waxay ka koobantahay fal (-gudbe-sababeeye) + am. Lifaaqan wuxuu weerta ka dhigaa yeele-laawe (passive), falkuna waa fal-magudbe. F + -am xir + -am (tus.: Albaabku waa xirmay) - Qaybta 3° waa falalka ku dhammaada -i , kuwaasoo u dhaqma qaabka isrogrogga 1° iyo midka II°ba, sida falka badi oo labada siyoodba loo adeegsan karo: -iyay -iday badiyid (1° isrog.) ) - - - F + -is (lifaaq sababeed) kar (f.mg) kar + is = karis (f.g) jab (f.mg) jab + is = jabis (f.g) Shaahu wuu karay Ubax shaah bay karisay Dhaladu way jabtay Caasha dhalada ayay jebisay N + -ée/ -ayn sun + -ée = sumee qado + ayn = qadayn run + ayn = rumayn cidlo + -ée = cidlee Yaa cuntada sumeeyey? Xageed ka qadayn rabtaa? Wax la rumayn karo ma aha Maxay guriga u cidleeyeen? Falalka isrogrogga 4°+ -ée adag + -ée =adkée yar + ee = yaree Aad ayay u adkeeyeen imtixaanka Intaa ka badan lama yareeyn karo Isrogrogga 3° Kuwa isrogroggan raacsan waxaa ka mid ah falal farcame oo leh lifaaqa -at oo falka ku soo kordhiya micne wax samaysasho. - F + -at qaado + at = qaadad guuris + at = guursad yarow + at = yaraad Lacag ayuu qaatay (qaadtay = qaattay) Cali gabar buu guursaday Biyuhu way yaraadeen - M + -at geeri + at = geriyood gaajo + at = gaajood Xagguu ku geeriyooday ninku? Aad baan u gaajooday Isrogrogga 4° Kuwa isrogroggan raacsani waa falal gaar ah oo badankuudu ay leeyihiin micno aan ka fogayn sifada (adjective), haseyeeshe markii laga eego xagga sarfaha iyo weereyntaba waxay u dhaqmaan sida falka, waxayna marwalba ay ku lifaaqanyihiin falka ahaw, sidaa awgeed waxaa lagu magacaabaa "fal sifo", oo Andrzejewski-na uu ku magacaabay "hybrid verbs". Falal sifo laba qaybood ayay u kala baxaan: a) fal saleedyo ama fal sifo oo asal ah ( oo dadka qaarkood ay ku tiriyaan inay yihiin sifooyin), sida: cad, yar, weyn, dheer, adag, leh, jecel, macaan, og, la', oggol, cusub, iwm. b) fal sifo kuwa ugu badan oo ka soojeeda falal kale ama magacyo iyagoo lagu kabay lifaaqyada -an / -oon. - F (fal saleed): adag, yar, weyn, og adag Way adagtahay inuu yimaado maanta (adag + tahay) yar Wiilku wuu ka yaraa gabadha. (yaraa < yar + ahaa) weyn Anigu waan kaa weynahay (weynahay <weyn + ahay) og Waan ogaa in aad dhooftay (ogaa < og + ahaa) - F + -an xir + -an = xiran xafiisku wuu xiranyahay Shalayna wuu xirnaa - M + -oon udug + -oon = udgoon Catarkan aad buu u udgoonyahay - M + -an guduud + -an = guduudan Qalinku wuu guduudanyahay b. Kooxda 2°: falalka horkabeyaasha leh Kooxdan waxay ka koobantahay falal tiradoodu aad u koobantahay, haddana adeegsigoodu aad buu u badanyahay. Waxay leeyihin lifaaqyo horkabe iyo dibkabeba ah oo isrogroga, waxayna isu rogrogaan qaabka ugu qaddiimsan ee luqadda. Kooxdan waxaa ugu muhimsan shantan fal ee hoos ku xusan: aqoo, aal, imow, dheh, ahaw. Qofka aad taqaanaa waan kula aqaanaa. Anigu shalay ayaan imid, idinkuna goormaad timaaddeen? Xaggay yaallaan buugaagtu. Ma xasuusantahay waxa aan ku niri ? Falka shanaad oo ah ahaw wuxuu horkabe leeyahay amminka joogtada oo keli ah. Tus. : Waxaad tahay nin wanaagsan (Falalkan isrogroggooda oo kaamil ah ka
Ereyada La Xidhiidha
Falanqaynta Naxwaha
Magac Lab (m.l)
determiners
Y · YU
La Wadaag
Sawirka La Wadaagga
Soo koobid ereyga, macnihiisa, iyo tusaalaha
La Wadaag
